MA U BAAHAN TAHAY CAAWINAAD?

  • Raadinta xafiisyada aad xaqa u leedahay
  • Codsiyada iyo waraaqaha
  • Qaybta arrimaha ajnabiga
  • Suuqa guryaha
  • Dhibaatada dhaqaalaha

Ama ma tahay dhalinyaro ku keliyeysatay dhibaato oo ka jawaabeyn su’aashaa?

Dhibbatao ma kaa haysataa dhex galka shicibka norwey ?

Ma dareentaa faham la’aan?

Uma baahnid inaad keligaa la fadhiisatid dhibaatada iyo su’aasha aan jawaabta lahayn.

Taleefon soo dir ama kaalay xafiiskayaga.

Waxanu haysanaa shaqaale ka kala yimi wadamo kala duwan lagana yaabee iney ku hadlayaan laqadaada.

Waxa dhab ah inaanu sir leenahay.

Shaqadayadu waa lacag la’aan.

 


DHALINYAROOY:

Cidi weli miyey kuu qorshaysay musqablakaaga aadna diidan tahay ?

Dhibaato ma kaa haysataa iskuulka ?

Ma dareentaa buuq ?

Ama ma heshaa feker la socda codsiyada iyo xafiisyada u furan shicibka ?

Idinka ayaanu idin maqlaynaa ee maxaa kaloo jira: waanu idin caawinayana !

Waxanu dhegeysanaynaa dhibaatadiina mar walba haday yar tahay iyo hadii ay weyn tahayba.

Maxaad doonaysaa inaad qabatid. Waxanu isku dayeynaa inaanu ku caawino oo aad heshid doonistaada.

Waxad noo sheegtid cid kale uma shegayno hadii aanad dooay. Waxa dhab ah inaanu sir leenahay.

 


SELVHJELP WUXU KU IIAYAA

Warbiximaha ah:

 

  • sharciga iyo digniintiisa
  • xuquuqda iyo qaynuunka
  • xafiisyda cayda, xisaabaadka caymiska, iskuulada, guryaha, shaqada, oolaanshaha sharciga, isu keenida faamaliga iwm.

Codsiyada ku socda:

 

  • xafiisyada dadweynaha
  • looyarada «qareen»
  • ururada madaxa banaan
  • «dariiqa saxa ah»

Caawinaada la qabanayo:

 

  • buuxinta foomamka/waraaqaha
  • qodia qaraaqaha
  • la xidhiidkha asuulityiinta
  • balaminta saacadaha
  • inaanu kula iirno taagrid

 


MAXAANU NAHAY?

Selvjep for innvandrere og flyktninger urur madax banaan oo la aasaasay sanadkii 1986.

Waxau bixinaa warbixinaha kaa caawinaya xidhiidhinta dariiqa saxa ah ee xaliya dhibaatooyinkaga. Ula jeedadayada uguwayni waa sidaanu u caawin lahayn dadka cusub dariiqa u dhaxeeya iyaga iyo norwegian ka.

Selvhjelp waxa u shaqeeya shaqaae haysta dhaqanao iyo luqado kala duwan. Waxanu helnaa sanaskii 5000 codsi oo ka kala yim 80 wadan.